Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray deegaanka Geerille oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud, halkaas oo shalay Ciidamada Xoogga Dalka cashar ugu dhigeen koox Khawaarij oo ku dhuumaaleysaneysay dhulka howdka ah.

Wasiirka waxaa halkaas kusoo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha qeybta 21-aad iyo saraakiil kale oo hoggaaminaysa howlgalka ka socda bariga gobolka Galguduud.
May be an image of 3 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here