MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay qodobka in muda ah soo taagnaa islamarkaana dowladii hore aysan ku guuleysan taasoo ah maqaamka Muqdisho in Dowladu xaqiijiso.

Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa meel fagaare ah kaga dhawaaqay in Dowlada Somalia ay ka shaqeyneyso maqaamka Xamar.

Advertisement

“Shacabka Gobolka Banaadir inay helaan maqaamka Muqdisho xaq ayey u leeyihiin waana ka shaqeyneynaa.” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre

Ra’iisulwasaare Xamze wuxuu carabka ku adkeeyay in Muqdisho tahay caasimadii dalka ,isagoo xusay dhibaatada laga soo maray dhismajha maamul goboleedyada Dalka.

Xamza wuxuu carabka ku adkeeyay in caasimada maqaam loo sameeyo uu ka adkaan doono dhibka laga soo maray sameynta maamul Goboleedyada,dhanka kale shacabka Muqdisho wuxuu ugu baaqay inay hogaankooda soo doortaan maqaam hala yeelo ama yaan loo yeeline.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here