=XIGASHO BBC SOMALI=

Masar

Advertisement

Jabuuti iyo Masar ayaa shalay kala saxiixday heshiis iyo qandaraas heerkiisu sarreeyo oo ku saabsan dhismaha xarun quwadda laga dhaliyo cadceedda ah taasoo cabbirkeedu yahay 276.5 kilowat lagana dhisayo Jabuuti.

Heshiika oo lagu kala saxiixday shir fogaan-arag ahaa, ayaa wuxuu noqonayaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

Mashruuca, oo ay hirgelineyso isla markaana maalgelineyso Masar, ayaa waxaa la doonayaa in xaruntan quwadda laga sameeyo gudaha magaalada Jabuuti. Wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa sida ay labada dla xoogga u saarayaan in xal loo helo tamarta la cusbooneysiin karo, loogana faa’iideysan karo khibradda ay Masar u leedahay horumarinta tamarta la cusbooneysiin karo.

Heshiiskan ayaa waxaa Masar u saxiixay Wasiirka Korontada iyo Tamarta la Cusbooneysiin karo, Maxamuud Essmat, iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti, Yoonis Cali Guuleed.

Essmat ayaa ku dheeraaday xiriirka qotada dheer ee Masar iyo Jabuuti, isagoo sheegay in labada dal ay ka dhaxayso taariikh soo jireen ah.

Wuxuu intaa ku daray in Masar ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga, iyadoo la wadaagi doonta Jabuuti khibraddeeda tamarta la cusbooneysiin karo iyo barnamaijyo tababarro ah oo daboolaya baahiyaha Jabuuti.

Wuxuu wasiirku xoojiyay sida ay Masar uga go’an tahay taageeridda qorshooyinka horumar ee Jabuuti.

Wasiir Guuleed ayaa dhankiisa soo dhoweeyay mashruuca, wuxuuna ku tilmaamay mid muujinaya xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo xusay in xaruntan quwadda cadceedda ay saameyn togan ku yeelan doonto kaabayaasha waxbarashada iyo caafimaadka, iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo ganacsiga gobolka.

Wuxuu wasiirku dowladda Masar gaar ahaanna wasaaradda korontada iyo tamarta la cusbooneysiin karo uga mahad celiyay taageeradooda.

Heshiiskan ayaa imaanaya kadib barnaamij tababar oo guuleystay oo la siiyay shaqaalaha wasaaradda tamarta Jabuuti, kaasoo ay maalgelisay dowladda Masar.

Mashruucan ayaa xoojinaya sida ay Masar uga go’an tahay taageeridda horumarinta tamarta la cusbooneysiin karo ee Afrika iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.Jabuuti

Ma aha markii ugu horreysay ee heshiisyo dhanka tamarta ah ay dalaka gobolka la gasho Jabuuti.

Bishii September ee sanadkii hore ayay ahayd markii ugu horreysay ee dowladda Jabuuti ay xarigga ka jartay mashruuc korontada looga dhalinayo dabeysha.

Mashruucan oo uu xarigga ka jaray madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ah kii ugu horreeyay noociisa ee korontada looga dhalinayo dabeysha.

Dhammaanba mashaariicdan tamarta ayaa ka tarjumaya sida ay Jabuuti uga go’an tahay ka dhabeynta qorshooyinkeeda dhanka tamarta.

Jabuuti ayaa hiigsaneysa in 100-kiiba boqol ay u guurto tamarta la cusbooneysiin karo wixii loo gaaro sanadka 2023.

Marka laga soo tago in Jabuuti ay koronto ku filan gaarsiiso dadka reer Jabuuti, waxay mashaariicdan sidoo kale dhiirrigelin doonaan maalgashiga shisheeye ee dalkaas, sida ay dowladda Jabuuti sheegtay.

“Waxaan go’aansannay inaan hiigsanno tamar la cusbooneysiin karo 100% wiixi loo gaaro 2035,” ayuu xafladda daah-furkan mashruucan ka sheegay Yoonis Cali Guuleed, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. “Waxaan aaminsannahay inaan maanta leennahay awood aan ku horumarinno in gudaha dalka laga soo saaro.” Ayuu intaa raaciyay.

Haatan Jabuuti ayaa inta badan korontadeeda waxay ku xiran tahay Itoobiya oo dhanka galbeed ay deris ka yihiin. Hase yeeshee, waxaa Jabuuti looga baahnaan doonaa inay la timaaddo hannaan ay uga bixi karto inay dal kale ku tiirsanaato.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here