DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)- Aabe iyo Wiil yar uu dhalay ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay duleedka Magaalada Dhuusa-mareeb ee  Xarunta Maamulka Galmudug.

Dilka wuxuu ka dhacay Deegaanka Beerxaadle oo magaalada Dhuusamareeb u jirta 40 KM oo dhanka bari ah.

Advertisement

Wararka ayaa tilmaamaya in dilakaani lala xiririyay aano qabiil waxaana aabaha lagu magacaabi jirey Cali Cabdi Shirre xili wiilkiisa lala dilayna uu yahay saqiir 4 jir ahaa.

Aabahaan la dilay Rabi ha u naxariistee waxaa la soo sheegayaa inuu ahaa xoolo dhaqato aan cidna  waxba ka galabsan balse qabiilkiisa dartiis loo dilay.

Hay’adaha amniga Maamulka Galmudug ayaa ku guul-dareystay inay soo qabtaan kooxihii fuliyay dilkaani kuwaasoo isaga baxsaday goobta,xili sidaas oo kale dilalkii ka horeeyayna aan cidna loo soo qaban.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here