No description available.

QEYCAD (DAYNIILE.COM)-Sarkaal alshabaab ka tirsanaan jirey laguna magacaabo Yuusuf Macalin Maxamed islamarkaana Al-shabaab loga yaqaanay C/samad ayaa  saaka isku soo dhiibay ciidamada Xooga Dalka Somaliyed gaar ahaan kuwa ka howlala koonfurta Gobolka Mudug.

Advertisement

Sarkaalkaan oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ayaa go’aansaday inuu ka soo tago alshabaab wuxuuna isku soo dhiibay ciidamada Milatariga ee ka dagaalama Magaalooyinka Camaara,Bacaad-weyn iyo Qeycad.

Sarkaalkaan inuu isa soo dhiibo waxaa la sheegay inay sahashay  dagaal culus oo shalay ka dhacay miyiga magaalada Qeycad taasoo sababtay in lagu jabiyo Alshabaab islamarkaana ay kala firxadaan.

Gaashaanle C/raxmaan Nuur  Sahal (Sheekeeye) oo ka tirsan Ciidamada Milatariga Dowlada Somalia gaar ahaan ka howlgala koofurta Gobolka Mudug ayaa soo bandhigay sarkaalka alshabaab ee isa soo dhiibay.

“waxaa saaka aroortii noo soo galay sarkaal ka tirsan Alshabaab oo isasoo dhiibay, waxaana leenahay wixii hada ka danbeeya waxaad ku soo wareegtay gacanta ciidamada xooga, waxaadna mari doontaa wixii sharcigu kugu talo galay”ayuu yiri Gaashaanle C/raxmaan Nuur  Sahal (Sheekeeye)

Sarkaalka alshabaab ee isasoo dhiibay ayaa dhankiisa hadlay wuxuuna sheeay inuu Dowlada isku soo dhiibay uuna ka helay soo dhaweyn fiicasn,wuxu ugu baaqay saaxabadiisii Alshabaab inay wadadiisa soo raacaan,

Dhnaka kale wuxuu qirey in dagaalkii shalay ka dhacay Qeycad lagu jabiyay kooxdii uu hore uga tirsanaa ee alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here