Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay wafdi sare oo ka socday hay’adaha dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada iyo gurmadka deg-deg ah kuwaas oo kala ah AFAD, KIZILAY, TIKA, IHH iyo DIYANET .

Guddoomiyaha ayaa wafdigaan ku soo wareejiyay xafiisyada xarunta iyo qaar ka mid ah bakhaarrada lagu keydiyo raashinka, ka hor inta aan wafdiga loo galbin Xarunta Howl-gallada ee NEOC, halkaasoo uu ka dhacay kulan diiradda lagu saaray warbixinta guud ee Hay’adda, xoojinta ka jawaabidda xaaladda deg-degga ah, taageerada lama-huraanka ah iyo sare u qaadista tayada,iyo aqoonta howl-wadeennada SoDMA.
May be an image of 5 people and textMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 8 people, people studying, map, television and newsroomMay be an image of 9 people, newsroom and daisMay be an image of 7 people and textMay be an image of 5 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here