MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan oo lagu xisaabiyay inay Alshabaab ka tirsan yihiin ayaa maanta waxay dilal ka gaysteen xaafad ka tirsan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Sedex ruux ayay rasaas la dhaceen kooxda Alshabaab waxaana dhintay laba ka mida halka midka kalana dhaawac ahaan loogu qaaday goobaha caafimaadka oo lagu dabiibayo.

Advertisement

Dadkaan la laayay ayaa la sheegay inay lahaayeen goobo ganacsi kuwasoo ay ku xiran yihiin kaamirooyinka qarsoon,koxda alshabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay beegsanayeen dadka qaatay amarka dowlada ee kaamirooyinka xirtay dukaamadooda.

Halka dilklu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamada amaanka walow ay baxsadeen kooxihii dilka fuliyay,kaliya waxay ku mashquuleen inay baaraan kaamirooyinka bal si loo aqoosado dilayaasha xili kaamirada la sheegay inay duubtay falka sida uu u dhacay.

Maalmo ka hor ayay sidan oo kale hal mar dhowr tukaan dad ku laayeen xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here