Muqdisho, Oktoobar 15, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yeelayo dowladnimada Soomaaliyeed, isaga oo faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay ku garab istaagaan ganacsatada Soomaaliyeed sidii uu u guuleysan lahaa mashruucani.

“Dhismaha xaafaddan waa billowga Soomaaliyada cusub ee dib u qaabaysa dowladnimadeeda, isla markaana la tartamaysa adduunyada. Ganacsatada Soomaaliyeed ha aaminaan dalkooda, hana garab istaagaan dowladda iyaga oo bixinaya canshuuraha ku waajibay, si aan uga soo kabano dhibaatooyinkii na gaaray.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku aaminay dalka, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya maalgashiga mashaariicda waxtarka badan u leh bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed, si loo gaaro isku filnaansho qaran.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
No photo description available.No photo description available.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, dais, crowd and textMay be an image of 3 people and weddingNo photo description available.May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of map and textMay be an image of 3 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here