=XIGASHO BBC SOMALI=

Dhalinyaro badan oo Liibiya ku tagay Tahriib ayaa hadda doonaysa in dib loogu soo celiyo deegaannadii ay ka hayaameen markii hore.

Advertisement

Magaalooyin kala duwan oo ka tirsan dalka Liibiya waxaa ku dhibaataysan dhalinyaro badan oo Soomaali ah isla markaana ka tagay deegaanno kala duwan oo dhulka Soomaalida ka tirsan, sida ay inoo sheegeen qaarkood oo aan la hadalnay.

Qaar ayaa xabsiyada ku jira muddo dheer oo gacanta ugu jira dadka loo yaqaanno Magafayaasha, oo ah kuwa sida sharci darrada ah u tahriibiya dadka doonaya in ay gaaraan dalalka Yurub.

Dadkaas waxaa ay wajahayaan dhibaato adag oo dhanka nolosha ah,waxaana qaar badan oo ka mid ah ay hadda doonayaan in ay ku soo laabtaan deegaannadii ay markii hore ka hayaameen, sida ay u sheegeen BBC da.Qaar ka mid ah tahriibayaasha Liibiya

Sheekada Cabdiraxmaan Cali Sheekh

Dhalinyaro aaminsanaa in ay mar uun Yurub tagaan si ay u helaan nolol sida ay iyagu qabaan dhaanta tan markaa ay ku jiraan, ayaa markii ay la kulmeen nooc walba oo dhib ah, sida Xabsi, gaajo,harraad jirdil iyo tacadi kale, waxaa ay ka qoomamaynayaan in markii horaba ay ku fikireen tahriib iyo in dhulkoodii ay ka tagaan.

Cabdiraxmaan Cali Sheekh, hadda waxa uu ka mid yahay dhalinyaro uu noo sheegay in ay ka badan yihiin boqol oo ku sugan caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli, kuwaasoo bannaanka jooga oo aan xabsiyo ku jirin walow ay jiraan tiro badan oo jeelasha magaalooyin kala duwan oo dalka Liibiya ah ku jira.

Bishii Maarso ee sanadkaan 2024-ka ayuu Cabdiraxmaan ka tagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland, wuxuuna rajeynayay in uu hiigsado nolol ka duwan tii uu markaa ku jiray, hase-yeeshee wixii uu filayay iyo waxa uu la kulmay waa laba sawir oo kala duwan aadna u kala fog.

Dhalinyaradaan Cabdiramaan ka mid yahay oo xabsiyo kala duwan ku soo maray gudaha Liibiya ugu dambeyn safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ayaa ka sii daysay xabsi ku yaalla Tripoli, waxaana ay hadda dhowrayaan in safaaraddu ay dib ugu so celiso deegaannadii ay ka tageen markii hore.

“Safaaradda ayaan ka dalbaday in la igu celiyo Soomaaliya soo dhaweyn wanaagsan ayaana kala kulmay safaaradda, mar dhow-na in dib la ii celiyo ayaan rajeynayaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo BBC-da u warramay.

Cabdiraxmaan markii uu arkay dhibaatada ka qabsatay safarkiisii uu ku doonayay inuu ku gaaro Yurub, waxaa uu ku qoomameeyay in uu hadda ogaaday dalkiisu uu yahya hodon oo ay tiillay nolol qurux badan, haddii uu ogaan lahaana in xaaladdani ay qabsanayso aanu ku fikireen tahriib.

“Walaahi waxaa ii soo baxday in waddeynkgu hodan yahay, waddankeygu meel aan ku doorsado in aaney jirin, in waddankeygu meel wanaagsanyahay ayaan ogaaday, oo waddan shisheeyo aanu waxaba ahaeyn,”.

Intaas wuxuu ku daray in xitaa uu gaajo u dhiman gaaray isla markaana wax walba oo uu ku haystay deegaankiisii markii hore uu waayay dibna uu u xasuusaty, inuu barwaaqo ku jiray.

“Wallaahi waxaan ogaaday noloshu waxay tahay, caafimaadku waxa uu yahay, xitaa cuntadu waxa ay tahay ayaan ogaaday, intaan is lahaa waddankaagu waa gaajo, ayaan gaajo ugu dhiman gaaray Liibiya,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo laga dheehan karo in wixii uu kala kulmay safarkisii Hargeysa ilaa Liibiya uu badelay hab-fikirkisii nolosha.Tahriibayaal meel la isugu keenay

‘Silicii iyo tacadigii ayaan ku arkay xabsiyada magafayaasha’Askar sida muuqata tahriibayaal caawinaysa

Sida marar badan ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqada aadanaha xabsiyada magafayaashu ay ku xiraan dadka tahriibaya ee ku yaalla dhulka lama degaanka ah, waxaa lagu ciqaabaa dadka si ay u bixiyaan lacago madax-furasho ah.

Cabdiraxmaan Cali Sheekh, ayaa tilmaamay in xabsiyada magafayaasha isaga iyo dad kale oo isugu jira Soomaali, Itoobiyaan iyo Afrikaan kale loogu gaystay jirdil aanu aadamuhu xamili karin. Wuxuu sheegay inuu arkau dad la garacaayo saacado badan, dad xanuusanaya oo saxaraha lagu tuurayo iyo kuwa naftu ka baxday sidii loo garacaayay.

“Wallaahi Noloshaas nolol aan ka warrami karo maaha nolol adag bay ahayd, nolol qallafsan oo dadka aad loo dilayo, qaar sida loo dilayo ay dhimanayaan ayay ahayd,”ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Ugu yaraan 107 muhaajiriin ah oo isugu jiray dumar, rag iyo caruur ayaa laga sii daayay afduub loogu haystay Koonfur Bari Liibiya, sida uu sheegay afhayeenka xoogagga amaanka horaantii bishii Juulay ee aynu ka soo gudubnay.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here