Mpox
NAIROBI (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Kenya ayaa lagu  xaqiijiyay in cudurka  Furuqa daanyeerka ama Mpox uu ka bilowday dalkeeda islamarkaana qofkii ugu horreeyay uu u dhintay cudurkaasi.
Dowalda Kenya waxay xustay in cudurka laga helay 11 degmo oo gudaha dalkaani ah, meelaha laga helay waxaa ku jira magaalooyinka waaweyn ee Nairobi, Mombasa iyo Nakuru.

Sidoo kale war laga helay saraakiisha caafimaadka ayaa lagu shaaciyay in cudurkaani looga shakiyay 68 qof  kuwaasoo baaritaan kadib laga helay xanuunkan saddex ka mid ah.

Wasaarada Caafimaadka Kenya ayaa wada dadaalo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dadka laga helay iyo kuwa looga shakisan yahay,sidoo kale wasaarada caafimaadka waxay wadaa olole wacyi-gelin bulsho ah si looga feejignaado cudurkaani.

Advertisement

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here