XUDUR (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha gudaha Maamul Goboleedka Koofur-Galbeed Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa kala direy maamulka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool iyo Golahooda deegaanka kadib khilaaf soo kala dhex-galay madaxda K/galbeed iyo kuwa Magaalada Xudutr.

Masuuliyiinta Maamulka Xudur oo maanta saxaafada hor  yimid ayaa qaadacay amarka ka soo baxay wasiirka arimaha gudaha K/galbeed iyagoo eed dusha kaga tuuray wasiirka.

Advertisement

Gudoomiyaha Degmada Xudur wuxuu carabka ku dhuftay in talaabada uu ku dhaqaaqay wasiirka ay amniga Magaalada halis ku tahay

Xubnahan oo iska diiday amarka maamulka Koonfur Galbeed kasoo baxay ayaa waxay ku eedeeyeen wasiirka arrimaha gudaha maamulka inuu khatar ku yahay nabad-galyada ka jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud, ku-xigeenka 1-aad Cali Xuseen Xasan iyo kan 2-aad Raxmo Nuur Aadan oo ay wehliyaan xubnaha golaha deegaanka ayaa si cad uga hor yimid go’aanka kala dirista ah.

lama yaqaan talaabada uu qaadi doono maamulka Koofur-galbeed madaama hogaanka xudur diideen inay u hogaansamaan amarka lagu kala direy.

XAFIISKA WARARKKA

DAYNIILE.COM

No photo description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here