Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay madal lagu soo bandhigayay mashruuc balaaran oo la xariira dhismaha casriga ah ee laga fulin doono xeebta Luulka (Ex Mariina Beach) ee Degmada Kaaraan,

Shirkan waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Maxmed Axmed Beereey, Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre, Maamulada shirkadaha Marina beach state, Al-Asab Group, Bulsho Development bank iyo ganacsato ka socotay wadamada Caalamka.

Advertisement

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka uu dhiiragalin doono cid kaste oo door ka qaadaneyso maalgashiga iyo horumarinta Caasimadda, isaga oo intaa kadib bogaadiyay xaafada cusub ee Xeebta Luulka (Ex Marina beach state)..

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here