CADADALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalo Xeebeedka Caddalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal beeleed uu xalay ka dhacay duleedka magaaladaasi xili dhawaan uu la xaliyay.

Wararka ayaa ilmaamaya in dagaalka xalay oo u dhexeeyay laba beelood oo walaalo ah uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Advertisement

Sida wararka qaar sheegayaan dagaalka xalay waxaa ku dhintay 3 ruux halka tara kalana ay ku dhaawacmeen,waxaa wali is hor fadhiya dhinacyada.

Qaar ka mida dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhinacyadu helayaan gurmadyo kaga imaanaya reerahooda mana jirto talaabo degdeg ah oo uu qaaday Maamulka Magaalada Xeebeedka Caddalle iyo midka guud ahaan Hirshabelle.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here