MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Asbuucyadii ugu danbeeyay waxaa gudaha Baarlamaanka si qarsoodi ah uga dhex socday mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamze Cabdi Barre kaasoo ay wadaan xildhibaanada Soomaaliyeed ee Dowlada ku matala Puntland.

Mooshinkaan oo la doonayo in Ra’iisulwasaaraha kalsoonida loogala laabto ayaa waxaa la hadla hayaa inay ogtahay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Marwo sacdiyo.

Advertisement

Qoshahaan oo qarsoodi ahaa ayay xildhibaanada qaar iyo Gudoomiye ku xigeenka doonayeen in lagu soo aadiyo xili Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe dalka ka maqan yahay si Gudoomiye ku xigeenku mooshinka u aqbasho loona boobsiiyo iyadoo xildhibaanada intooda badana la doonayo in laga dhaadhiciyo.

Sabtidii shalay ayaa la doonayay balse waxaa qorshaha ogaaday Gudoomiye Aadan Madoobe oo isagoo safar soo ahaa amray in la baajiyo kulanka.

lama yaqaan qorshahaan hadii mar kale la soo nooleyn doono iyo hadii uu sidaan ku fashilmay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here