May be an image of 1 person

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaare xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa war qoraala uu goor dhaw soo saaray wuxuu si weyn uga hor yimid talaabadii shalay Golaha baarlamaanka ee aqalka sare ay xubinimadiisa kaga xayuubiyeen markii ay ku eedeeyeen inuu iman waayay fadhiyada aqalka sare.

Advertisement

Masuulkaan wuxuu shegey in talaabada looga qaada kursigiisa aqalka sare ay tahay mid aan sharci ahayn islamarkaana baal marsan dastuurka Dowlada Somalia.

Saalax Axmed Jaamac wuxuu weeraray Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi-Xashi C/laahi isagoona warqadii ka soo baxday iyo ku dhawaaqistiisaba ku tilmaamay sharci daro oo ka hor imaaneysa dasturka.

Ra’iisulwasaaraha wuxuu sidoo kale beeniyay inuu maqnaa dhamaan kulamadii aqalka sare

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale iska biri yeelay inuu ka maqnaa dhamaan kulamada Golaha Aqalka sare,

wuxuu qoraalkiisa  ku sheegay inuu ka qeybgalay shirarkii Aqalka sare uu yeeshay iyo waliba kuwii labnada Gole ay wada yeesheeen.

“waa sharci daro dastuurakana ka hor imaaneysa warqada guddoomiye Cabdi Xaashi soo saaray taasoo uu ku sheegayo inuu iga qaaday xubinimadeyda Golaha Baaqlamaanka aqalka sare” ayuu yiri Ra’iisulwasaare xigeenka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

HADDABA HALKAN KA AKHRISO QORAALKA SAALAX AXMED JAAMAC OO SIDIISA U QORAN:-

x

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here