MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidanka Boliiska Soomaaliyaad gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir ayaa soo qabtay oo xabsiga soo dhigay nin ku eedeysan inuu dilay nin kale.
 Ninka dilka ku eedeysan oo magaciisa lagu sheegay Daahir Maxamed Faarax waxaa gacanta ku soo dhigay si gaar ah Booliiska Saldhiga Degmo xeebeedka Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.
Edeysanahaan waxaa loo heystaa inuu dilay Marxuum Saciid ibrahim, waxaana lagu wadaa in dhawaan maxkamada loo gudbiyo si uu isaga bari yeelo ama loogu cadeeyo.
Hadii danbigaan lagu helo wuxuu muteysan karaa  in la toogto si loogu qisaaso ninka uu dilay ama labada qoys ayaa dil ama cafis ka heshiin kara sida sharciga isaamku qabo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here