BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baydhaba ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa sheegaya in Caawa halkaasi lagu dilay nin shacab ahaa.

Allaha u naxariistee ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Malaaq yacquub Xasan,waxaana dilay kooxo hubeysan oo aan wali si rasmi ah loo ogeyn waxay yihiin.

Advertisement

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka fulisay ay islamarkiiba goobta ka baxaadeen.

Maamulka Koonfur-galbeed, kan Magaalada Baydhaba iyo Hay’adajooda amniga midna wali faahfaahin degdeg ah kama jixin dilka malaaqa siduu u dhacay iyo cida ka danbeysa.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here