Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shalay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay dhigiisa Baarlamaanka Dowladda Imaaraadka Carabta Mudane Saqr Ghobash.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dowladood gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Advertisement

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhigiisa kaga mahad celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u sameeyay iyo qaabilaada kulanka maanta ee ka dhacay xarunta baarlamaanka dowladda Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.
May be an image of 2 people, the Oval Office, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 16 people, the Oval Office and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here