Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Seattle Gobolka Washington ee dalka Maraykanka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee SeaTac ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah hoggaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Washington oo si weyn ugu diyaar garoobay soo dhoweynta Wasiir Al-Cadaala iyo wafdigiisa oo qeyb uu ka ahaa xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington DC ee Mudane Abuukar Goley.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Seattle Marwo Sahra Faarax oo in ka badan 30 sano u adeegaysay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaas iyo xubno kale oo hormuudka Jaaliyadda ah ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta wafdiga wasiirka.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed Washington uga mahadceliyey soo dhaweynta wafdigiisa safarka shaqo ku jooga dalka Mareykanka, isagoo ka balan qaaday inuu waqti iyo kulamo la qaadan doono, warbixina uu ka siin doono xaaladda dalka.
May be an image of 7 people and suitMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 5 people, beard and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here