Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo la doortay bishii May 2022-kii wuxuu madaxtooyada fadhiyaa 2.5 sano mudadaasi wuxuu sameeyay taariikho aysan hore u sameyn madaxweynayaashii ka horeeyay burburkii kadib,sidoo kale teeramkiisii horana taariikh weyn buu sameeyay taasoo ah inuu ahaa madaxweynihii maamul Goboleedyada dhisay marka Puntland laga reebo.

Madaxweyne Xasan labadaa sano iyo barkaan uu joogo wuxuu sameeyay iskooro qaarkood ay soo bilaabeen dowladihii ka horeeyay iyo kuwo uu isago hore u soo bilaabay hadana dhameystirey sida deyn cafinta,cunaqabeteynta hubka oo dalka laga qaaday iyo ku biirista urur goboleedka bariga Afrika iyo la dagaalanka Alshabaab oo uu gaarsiiyay meelo ay adkeyd in la gaaro waqtiyadii Shariif,iyo Farmaajo.

Advertisement

Sidoo kale Iskoorada Xasan Sheekh uu sameeyay waxaa ka mida dhaqaajinta sameynta dastuur dhameystiran iyo ka bixista dastuurkii qabyada ahaa walow uu dhex-umarayo hada laakiin uu dalcada saaray oo kaliya,waxaa kale uu xasan sameeyay keenista hub culus oo dalku yeeshay iyo la dagaalanka dhanka diblomaasiyada ee Itoobiya oo uu guulo waa weyn ka soo hooyay markii ay isku dayeen Itoobiyaanku inay Badda Somalia xoog ku qaataan.

Hadda waxaa is weydiinta ugu weyn ay tahay Madaxweyne Xasan Scora-da ma sii kordhisan doonaa marka la eego doorashooyinka soo socda mise teendhadii Farmaajo uu ku kufay buu isna ku kufi doonaa madaama labadoodaba ay hal qabsi ka dhigteen doorasho qof iyo cod baan sameyneynaa.

Culeyska ugu badan wuxuu Xasan kala kulmay Maamul Goboleedyada qaar oo awal heshiis la ahaa oo hada ka hor yimid si doorashada qof iyo cod xitaa maamul Goboleedyadu wax ku doortaan sida uu qorshihiisu yahay.

5-tii maamul Goboleed waxaa Xasan hada la socota sedex maamul Goboleed Hirshabelle,Galmudug iyo Koonfur-galbeed oo laftigoodu shaki shaki uu ku jiro.

Si kastaba dadka siyaasada taxliilaya ayaa laba qeyb u kala jabay, koox aaminsan in Xasan ay u badan tahay inuu ku guuleysto doorashada dadweynaha islamarkaana uu taariikhda noqon doono madaxweynihii ugu horeeyay ee burburkii kadib awooda shacabka ku soo celiya, halka kooxda kalana ay leeyihiin wuu dadaalay balse waqtiga ayaa ciriiri ku soo noqday oo waxay u badan tahay inuu teendhadii ku celiyo doorashada.

QORRE WARIYE SUUD MA-QAATE

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here