NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa goor dhaw xilka laga xayuubiyay madaama maalmihii ugu danbeeyay culeys uu saarnaa oo aadna loo sii sheegay in xilka ka qaadis ay ku soo socoto.
Baarlamaanka Kenya ayaa cod buuxa xilka kaga qaaday markii dhawaan dacwad laga soo gudbiyay Madaxweyne Kuxigeenka Kenya Rigathi Gachagua.
Madaxweynaha Kenya Ruto oo awalba soo magacaabay ayay isku kacsanaayeen bilihii ugu dabeeyay iyadoo warbaahintu xustay in Madaxweyne xigeenku aqimo qabiil kicin ah ku howlanaa tan iyo markii uu bilowday khilaafka kala dhexeeya Ruto.
Maalin ka hor ayay ahayd markii wakaaladaha wararka qaarkood soo dusiyeen warqad uu Madaxweyne Kuxigeenka Kenya Rigathi Gachagua raali gelin ku siinayay madaxweynaha Kenya iyo shacabka kenya isagoo dalbanayay in la cafiyo hadii siyaasadihiisa iyo hadaladiisaba qalad loo arkay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM