Xildhibaanada laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa xarunta maamulka gobolka Minnesota si diirran ugu soo dhoweeyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka.

Xildhibaan Maxamuud Nuur, Xildhibaan Hodan Xasan, Xildhibaan Samakaab Xuseen iyo hoggaamiyaasha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala, waxayna uga mahadceliyeen booqashadiisa iyo dadaallada ay dalka ka wado dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa Wasiirka uga warbixiyey hormarada ay gaareen Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka laga soo doortay ee Minnesota, waxaana kulanka Xildhibaanada iyo Wasiirka goobjoog ahaa Xoghayaha guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka Abuukar Goley.

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xildhibaanada iyo hoggaamiyaasha bulshada Soomaalida ee gobolka Minnesota uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada ay wado dowladda Soomaaliya ee dalka ka socda, isagoo masuuliyiintaan ka tirsan Soomaalida ku biirtay dowladda Mareykanka ku amaanay dadaalkooda iyo sida Soomaalidu ay ilbax u yihiin oo wax ula qabsadaan shucuubta caalamka.May be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here