JOWHAR (DAYNIILECOM)-Wararka laga helaayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in dooni ku qalibantay Wabiga Deegaannada Balcaano gaar ahaan dhaxeysa tuulooyinka Cumar Isman iyo Galleefo ay sababtay dhimasho.

Inta la ogyahay 1 ruux kaliya ayaa dhintay halka mid kalana la’la’yahay xili doonta ay saarnaayeen 7 ruux taasoo ka dhigan inta badan dadku soo bad baadeen.

Advertisement

Deegaannada Balcaano ee shilkaani ka dhacay wuxuu ku dhaw yahay Magaalada Jowhar dhankiisa bari,waxaana sanadahaan danbe deegaankaasi go’doon geliyay fatahaadihii dhawaan uu sameynayay wabiga shabelle, dadka deegaanka ayaa isku kala gudba dooman ganacsi.

Maamulka Hirshabelle ayaan wali wax muuqda ka ka qaban dhibaatooyinka laga dhaxlay fataahaadihii uu wabiga sameeyay taasoo ay dadka shacabka ahi laba sano ku dhawaad la daala dhacayaay nolosha iyagoona lacag ku bxiya dooman ay isaga kala gudbaan tuulooyinka faraha badan ee go’doonsan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here