Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaanka Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu kaga hadlay sedex qodob uu sheegay inay Madaxweyne hor taal taasoo uu ku macneeyay sedex kala daran mid dooro inay tahay.

Siyaasigaan la soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa  Madaxweyne Xasan ugu baaqay inuu wada-tashi badan sameeyo,lana heshiiyo cid kasta oo diidan siyaasadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh saddex kala daran inuu kala doorto unbaa u furan;

Advertisement

1. Inuu Garowe ka dago oo uu Saciid Dani kusoo qanciyo ajandihiisa siyaadadeed.

2. Inuu Abu Dhabi ka dago oo uu sifiican isku dhiibo, uguna dhaarto inuu labada kale ka baarisan yahay.

3. Inuu galabta shir jaraa’id ku qabto Villada oo ku dhawaaqo inuu talada dhulka dhigay, cid walbana uu la tashanayo.

Saddexdaas haday Odayga ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay.

No photo description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here