May be an image of 2 people, aircraft and text
Muqdisho-Soomaaliya October,07, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalkaasi.
Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudada uu joogo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta wadankaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Ibrahim Gudle Isak
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people and suitMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here