Muqdisho, Oktoobar 07, 2024; Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Booliiska ee CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, si uu ugu kuur galo adeegyada ay xarumahani u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Laanta CID iyo hannaanka hufnaanta shaqo ee loogu adeego shacabka, isaga dhageystay cabashooyinka qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee xarunta loogu adeegayay.

Sidoo kale, Taliyaha oo kormeeray habsami u socodka howlaha shaqo ee xarumaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa gaaray Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir, halkaasi oo uu kulan kula qaatay, Taliska Qaybta iyo Saraakiisha ammaanka.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa Saraakiisha ka dhageystay Warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee Caasimadda, howlgallada guuleystay ee looga hortagay isku dayada qalqal galinta amniga ee Khawaarijta iyo qorsheyaasha cusub dardargelinta sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo faray inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, si shacabka Soomaaliyeed u helaan kalsooni amni oo dhammeystiran.
May be an image of 10 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people, suit, dais and newsroomMay be an image of 5 people and suitMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people and hospitalMay be an image of 6 people, hospital and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people, suit and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 5 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here