KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Wafdiga Axmed Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubland C/qaadir Xaaji Maxamuud,xildibaano iyo qeybaha bulshada.
Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu Muqdisho kaga qeybgalay shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo Maamulada Dalka ka jira.
Axmed Madoobe waxaa lagu wadaa inuu saxaafada u sharaxo sababta shirka wada-tashiga iyo waxa ka jira wararkii maalmihii ugu dambeeyay la waday kaasoo sheegaya Jubaland ka hor timid qorshihii Dowlada Somalia gaar ahaan dhanka doorashooyinka qof iyo cod in dalka laga hirgeliyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 6 people, helicopter and text
May be an image of 5 people, helicopter, dais and textMay be an image of 5 people, helicopter and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 5 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here