Iran ayaa baajisay duullimaadyadii iyadoo Israa’iil ay duqaymo ku garaacday Lubnaan, tobanaan kalena ku dishay Qaza.

Ciidamada Israel ayaa soo bandhigay mowjado cusub oo weeraro ah oo ka dhacay duleedka koonfureed ee Beirut, oo sababay qaraxyo waaweyn oo ay ku dhinteen tobanaan qof oo Lubnaaniyiin ah maalintii la soo dhaafay.

Advertisement

Ugu yaraan sagaal carruur ah oo Falastiiniyiin ah ayaa ka mid ah 17 qof oo la dilay ka dib markii militariga Israa’iil ay ku amreen dadka rayidka ah in ay si degdeg ah uga cararaan xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza oo ay bilaabeen duqeymo culus.

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay masjid ku yaalla bartamaha Qaza, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 20 falastiiniyiin ah, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Gaza, ugu yaraan 41,870 qof ayaa lagu dilay 97,166 waa lagu dhaawacay weerarrada Israel tan iyo bishii Oktoobar 2023. Israa’iil, ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE AL-JAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here