=XIGASHO BBC SOMALI=

Kenya

Advertisement

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, oo wajahaya halis ah in xilka laga xayuubiyo, ka dib khilaaf ka dhex aloosmay isaga iyo Madaxweyne Ruto ayaa raaligalin siiyey madaxweynihiisa sida ay ku warantay warbaahinta Nation ee Kenya.

Mr Gachagua ayaa codsi u gudbiyay Dr Ruto maanta oo Axadda ee bishu ahayd 6-da Oktoobar, isagoo sheegay in inkasta oo uusan garanayn wax khalad ah oo uu sameeyay, haddana uu doonayo in fursad kale la siiyo si uu ugu adeego Kenyaanka.

“Waxaan rabaa in aan ku iraahdo walaalkey, madaxweyne William Ruto: haddii aan kugu xumeeyay shaqadayada adag, fadlan i cafi,” Mr Gachagua ayaa yiri mar uu ka hadlayay kaniisad ku taalla xaafada Karen, ee magaalada Nairobi.

Rigathi ayaa ka dalbaday Ruto in uusan wax hakad ah ku samaynin,”Haddii xaaskeyga (Dorcas Rigathi) ay sinaba kuugu khaladantay fadlan qalbigaaga u fur si aad u cafiso.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu raaligelin siiyay xildhibaanada Kenya iyo dad Kenyan ah oo doonayay in xilka laga xayuubiyo, xilli shacabka ay ka qeyb qaadanayaan madalo ay ra’yigooda ku cabirayeen.

“Shacabka Kenya waxaan u sheegayaa in aan u adeegno dalka oo dhan, inta aan idiin adeegayo hadii aad jiraan wax aan sameynay ama dhahnay oo aad u aragtaan wax aan habooneyn, ama aad u aragtaan wax aan la aqbali karin, fadlan i cafiya.

Xaaladda ayaa mudaba ahayd mid aad u kacsan tan iyo billowgii todobaadkii la soo dhaafay kaddib markii si rasmi ah baarlamaanka loo horgeeyay mooshinkii xilka looga qaadayo Mr Gachagua, lana qaabilay.

Hadda, geeddi-socodyada dastuuriga ah ayaa socda si go’aan looga gaaro doodda taagan.

Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa talaadadii baarlamaanka u gudbiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ku eedeeyay inuu hurinaayo naceyb isir iyo mid guud iyo inuu dowladda wiiqayo.

Waxa kale oo ay ku andacoonayaan in Gachagua uu ku lug lahaa arrimo musuq-maasuq ah, duminta dawladda iyo ka shaqaynta siyaasad qabyaalad ku dhisan. Khilaafka u dhexeeya madaxweyne Ruto iyo Gachagua ayaa kordhay maalmihii la soo dhaafay.

Gachagua ayaa sheegay in uu go’doonsan yahay waxa uuna beeniyay eedeymaha ay u soo jeediyeen xulafada Ruto oo ku aadan in uu ku lug lahaa dibad baxyo looga soo horjeeday dowladda horaantii sanadkan.

Booliiska ayaa sidoo kale xildhibaannada xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka ku eedeeyay inay maalgeliyeen ayna soo abaabuleen burcad si ay u dhacaan ayna rabshad u sababaan xilligii ay socdeen dibadbaxyadii canshuurta looga soo horjeeday ee dhacay bishii June.

Rigathi Gachagua ayaa si kastaba difaacay xildhibaannadaas wuxuuna sheegay in eedeymaha looga gol leeyahay in magaciisa lagu ceebeeyo taageerayaashiisana lagu dacweeyo inay ku lug leeyihiin xil ka tuurista dowladda.KENYA

Halkee ayuu ka soo billowday isku dhaca Ruto iyo Gachagua?KENYA

Hardanka awoodeed ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa horseeday walaac laga qabo degganaan la’aan dowladda dhexdeeda ah, xilli Kenya ay bartanka uga jirto xasarad qoto-dheer oo dhaqaale.

Ruto ayaa Gachagua u doortay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo haddii la doorto doorashadii 2022, markaasoo uu ka guuleystay raysal wasaarihii hore Raila Odinga kaddib doorasho si adag loogu tartamay.

Gachagua ayaa kasoo jeeda gobolka codadka ugu badan laga helo ee Mount Kenya, wuxuuna taageerayaal badan usoo jiiday Ruto.

Si mooshinkan loo meel mariyo, waxay u baahan tahay taageerada ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha labada aqal, iyadoo aysan ku jirin xildhibaannada lasoo magacaabay.

Xildhibaannada taageersan mooshinka ayaa kalsooni ku qaba in la meel marin doono.

Balse Gachagua ayaa caddeeyay inuusan gacmaha laaban doonin xilkana uusan ka degi doonin isagoo aan dagaallamin.

“Madaxweynaha wuu ku amri karaa xildhibaannada inay joojiyaan. Marka, haddii ay sii wadaan, wuu ku jiraa,” ayuu u sheegay warbaahin gudaha ah.

Ruto ayaa hore u ballan-qaaday inuusan Gachagua gelin doonin “ciriiri siyaasadeed”, oo la mid ah tii uu isagu la kulmay markii uu madaxweyne ku xigeen u ahaa ninkii uu xukunka kala wareegay, Uhuru Kenyatta.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here