Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa galabta ka qeyb galay daawashada kulan aad u xiiso badan oo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ku dhex-maray Kooxaha Kubadda Cagta ee Degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir.

Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana qeyb ka ahaa Wareega sideed dhamaadka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad ayaa waqtigii loogu tala galay waxa uu kusoo idlaaday 0-0, balse Gool ku laad (Rigoore) labada dhinac loo dhigay ayaa cayaarta ka dhigtay mid ay guusha ku raacday Xulka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan.

Degmooyinka Gubadley, Daarusalaam iyo Kaaraan ayaa xaqiijiyay in ay usoo gudbaan Wareega Afar dhamaadka ama Semi-finalka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoona maalinta barito la sugaayo in ay cayaar aad u xiiso badan dhex marto Xulalka Kubadda Cagta Degmooyinka Warta Nabadda iyo Dharkeenley oo xulkii ay guusha raacdo ku biiri doonna xulalka usoo gudbay Semi-finalka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people, people playing American football, people playing football and textMay be an image of 6 people, people playing American football, people playing football and textMay be an image of 2 people, people playing American football, people playing football, crowd and textMay be an image of 3 people and crowdMay be an image of 1 person, playing American football, playing football, crowd and textMay be an image of 1 person, playing American football, playing football, crowd and textMay be an image of 8 people, people playing football, people playing American football and textMay be an image of 8 people, people playing football, people playing American football and textMay be an image of 3 people, newsroom and textMay be an image of 10 people, people playing American football, people playing football and textMay be an image of one or more people, people playing football and crowdMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 7 people, people playing football, people playing American football and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here