Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan ,Wasiirka Batroolka Somalia C/risaaq Cumar iyo  masuuliyiin kale ayaa maanta Dalka Turkey ka soo sagootiyay markab shahmin iyo baaris shidaal ka samayn doona biyaha Soomaaliya.

Wararka ku dhaw dhaw socdaalka markabka ayaa sheegaya inuu Soomaaliya ku soo gaari karo 19 maalmood taasoo ka dhigan inuu iman doono dhamaadka bishaan Oktoobar.

Advertisement

Markabka waxaa sidoo kale la sheegay  inuu soo mari doono Kanaalka Suez, iyo Badda Cas,ilaa xeebaha Soomaaliya uu meelo dhowr ah ka tagi doono walow la filayo in munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameyn doono Dekada Muqdisho kadibna uu shaqadiisa bilaabi doono hadii Alle idmo.

Markabka oo meelo kala duwan baarista ka sameyn dooba ayaa lagu wadaa in Somalia isbadal dhaqaale sameyn doono hadii lagu guuleysto howlgalka shidaal qodista.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and textMay be an image of 5 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here