Madaxweynaha Maamlka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku adkaysanaya in hanaanka Doorashooyinka qof iyo codka ah aanay suuro gal ahayn iyadoo aan si wadajir ah looga heshiinin.
Maamulku wuxuu ku adkeysanayaa in marka hore Dowladu xaliso khilaafka kala dhexeeya Maamulka Puntland iyo arinta Maamulka  Khaatumo oo ay tahay Dowladu inay cadeyso maqaamkooda.

Maamulka Jubaland wuxuu ku adkeysanayaa in hadii aan arimahaasi la xalin ay Jubaland gaar u qabsanayso Doorashooyinka heerarka kala duwan isla markana sida Dastuurka Jubaland uu qabo ay shaqadaas qabanayaan guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.
Dhanka kale baraha bulshada ee taageera Maamulka Jubaland waxaa lagu soo bandhigay laba qodob oo ay diidan yihiin reer Jubaland kuwaasoo kala ah:-
1– Muddo kororsi Maya,doorasho hala aado,halkaas wuxuu ku helay taageeradda Beesha caalamka iyo Soomaalida jecel dowladnimadda.
2–Wuxuu kaloo taaganyahay haloo dhamaado Shirka (inclusivity),waana erayga Beesha caalamka ee Soomaaliya taageera ugu jecelyihiin iney maqlaan.
XIGASHO JUBALAND MEDIA
May be an image of 1 person and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here