Siyaasiga ahna Xildhibaanka C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa sharaxaad ka bixiyay shaqada uu u xilsaaran yahay qofka ah Madaxweynaha Qaranka iyo shaqada qofka ah Ra’iisulwasaaraha.

Siyaasigaan ayaa qoraal uu arintaasi ku sharaxayo wuxuu soo dhigay barrihiisa bulshada xili Madaxweyne Xasana uu ku eedeeyay inuu xiligaan isku darsaday labadii shaqo tiisa iyo tii Ra’isiulwasaaraha.

Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka C/raxmaan C/shukuur Warsame oo sidiisa u qoran:-

Advertisement

Madaxweynuhu wuxuu leeyahay aragtida (vison)-ka iyo jihaynta siyaasadda guud ee dalka, kaalintiisuna waa ilaalinta dastuurka, isku haynta dalka iyo ka shaqaynta midnimada iyo wadajirka umadda, halka laga doonayo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda in ay aragtida u daadejiyaan waaqaca, taasoo kaga baahan dheelitirka awoodaha siyaasadeed ee dalka sida Maamullada Gobollada, Baarlamaanka, siyaasiyiinta kale ee saamaynta leh iyo xubnaha beesha caalamka, waxaase muuqata in labadii hawl uu Madaxweynaha isku darsaday.

Waxaa gar ah doodda oranaysa haddii hawshu sidii heshiiska lagu ahaa lagu wedayo noo wada, haddiise isbeddel cusub uu jiro, waa in saamilayda siyaasadeed si dheelitiran wadahadalka looga qaybgeliyaa.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here