Howlgal lagu dilay in kabadan 24 dhagarqabe ayaa Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 7-aad, waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh.hoose.

Deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow ayey Ciidanka howlgalka ka sameeyeen, Waxaana si gaadmo looga dul dhacay dhagarqabeyaal qorsheynayey inay sameeyaan falal argagixisanimo.

In kabadan 24 dhagarqabe ayaa Khawaarijta halkaasi looga dilay iyo dhaawaca tiro kabadan 30 dhagarqabe, waxaana laga gubay Gaari caasi ah, iyaggoo ka cararay boorso ay ku jireen Daawooyin sida uu warbaahinta Codka Ciidamada u sheegay Taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka Xoogga G/dhexe Axmed Cabdi Cali “Axmed Gaashaan” oo howlgalkaan hoggaaminayey.

Xogo aan helnay, ayaa sheegaya in meydadkii Khawaarijta looga dilay howlgalkaan ay u kala qaadeen deegaanada Buulo madiino iyo Cumar beyre, si halkaasi ay ugu aasaan, waxaana Ciidanka Guutada 7-aad ay ku raad joogo Firxadka dhagarqabeyaashii galabta ay ka dul dhaceen, iyaddoo sidoo kale howlgalkaan qeyb ay ka ahaayeen Taliye Ku-xiggeenka Guutada 7-aad iyo Taliyeyaasha ururada 64-aad iyo 54-aad.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person and grassMay be an image of 8 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of tool bagMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 people and rhinoceros
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here