Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ku sugan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa la kulmay la-taliyaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mudane Xamsa Warfaa oo ah wiil Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa La-taliye Xamsa Warfaa warbixin ka siiyey xaaladda dalka iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay xoojiso iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo hormarinta bulshada, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta Soomaaliya kala dhexeysa Mareykanka.

Advertisement

Wasiirka ayaa kulankaas ka cadeeyey in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso ka faa’iideysiga fursadaha ku xeendaaban iskaashiga kala dhexeeya dowladda Mareykanka.

Dhankiisa La-taliyaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mudane Xamsa Warfaa ayaa Wasiirka u xaqiijiyey in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay inay taageerto dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here