Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa maanta ku guuleystay inuu wax ka qabto cabashada gaadiidleyda xamuulka ee ka dhex shaqeysta Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhexeysa Baladweyne iyo ilaa Matabaan.

Ugaas Xasan waxaa socdaakiisa nabadeed maanta ku wehlinaya Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka waxaana la soo sheegayaa inuu ilaa iminka ku guuleystay inuu qaado isbaarooyin yaalay Baladweyne ilaa tuulada Ceel-gaal oo dhacda duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Advertisement

Ugaaska,Odayaasha dhaqanka iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan waxaa maanta u taal shaqo adag ,iyadoo wararka aan heleyno ay sheegayaan inuu socod ku tagi doono Degmooyinka kale ee Jawiil iyo Matabaan si uu ciidamada ugu cadaadsho inay isbaarooyinka qaadaan.

Socdalka Ugaaska ee isbaara-qaadka ayaa yimid kadib markii bishii u danbeysay uu istaagay isku socodkii gaadiidka xamuulka kadib isbaarada oo xad dhaaf ku noqotay taasina waxay keentay sicir barar ku yimid maciishada iyo qudaarta deegaanada qaar.

Maamulka Hirshabele. hiiraan state iyo maleeshiya beeleed madax banaan ayaa la sheegay inay isbaarooyin iska soo hor jeeda ay u taal inta u dhexeysa Baladweyne ilaa Matabaan waana tan keentay inuu maanta u istaago xalinta dhibaatadaasi Ugaaska beesha Xawaadle oo qaarkood durba qaaday inta kalana uu ku sii socdo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here