Geesiyaasha Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 7aad ee Qeybta 12-ka April, ayaa howlgallo isugu jiray sifeyn iyo bur-burin goobaha ay ku dhuumanayaan Khawaarijta waxay ka sameeyeen deegaanada dhaca inta u dhexeyso wadada xiriirisa Bali-doogle iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalkaan oo lagu bur-buriyey baro cadowga uu ku dhibaateynayey dadka Shacabka, ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga G/dhexe Axmed Cabdi Cali “Axmed Gaashaan” oo ay wehliyaan Taliye Ku-xiggeenka Guutada iyo Saraakiil kale.

Deegaanada howlgalka laga sameeyey, ayaa waxaa kamid ah Baqdaad, Doonka, Kaxaroow, Jambaluul, Doon dheere, God doofaar, Baladul-amiin, Warmaxan, Tixsiile iyo deegaano kale.
No photo description available.May be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person, car and textNo photo description available.May be an image of 3 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and animal
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here