Israeli strike kills at least 6 in Beirut

BEIRUT (DAYNIILE.COM)-17 gantaal oo habeenimo ah ayaa lagu garaacay Beirut subaxnimadii Khamiista iyadoo milatariga Israel ay sii wadeen duqeymaha.

Advertisement

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israel ay ku qaaday dhismo dabaq ah oo ku yaal bartamaha Beirut, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

11 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka dhacay Beirut galinkii dambe ee Arbacadii, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Mid ka mida gantaalada ay diyaaradaha Israa’iil soo riden ayaa ku dhacay guri dabaq ah oo ku yaala degmada Bashuura oo ay degan tahay, meel aan ka fogeyn xarunta Qaramada Midoobay, xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo baarlamaanka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegay ur u eg baaruud ka dib weerarka, Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ee ay maamusho dowladda Lubnaan (NNA) ayaa ku eedeysay Israa’iil in ay adeegsatay bambaanooyinka fosfooraska ee caalamiga ah.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa hore ugu eedeeyay Israa’iil in ay madaafiicda hurinta fosfooraska cad u adeegsatay magaalooyinka iyo tuulooyinka ay colaaduhu ka socdaan ee koonfurta Lubnaan.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Israeli strike kills at least 6 in BeirutIsraeli strike kills at least 6 in Beirut

Israeli strike kills at least 6 in Beirut

Israeli strike kills at least 6 in BeirutIsraeli strike kills at least 6 in Beirut

Israeli strike kills at least 6 in Beirut

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here