=XIGASHO BBC SOMALI=

Turkiga

Advertisement

Sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter, madaxa shirkadda BayBooqashada Haluk Bayraktar, ayaana dadka falanqeeya arrimahan waxay ku tilmaameen inay muhiim u tahay labada dal oo xiriirkoodu aad u sarreeyo.kar, Haluk Bayraktar, ayaa Sabtidii booqasho ku tegay Muqdisho.

Waxaa si diirran usoo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur wuxuuna kulan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar, waxaa soo saara shirkadda Baykar. Lama hubo lamana shaacin arrimaha gaarka ah ee Haluk iyo madaxweynaha ay ka wada hadleen, balse qoraalkiisa bartiisa X waxaa ku xusan “Iyadoo dhowaan la kala saxiixday Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha” ee u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya, xiriirka wuuxu gaaray heer cusub.

Baykar, oo ah shirkadda difaaca ee ugu horreysa Turkiga, waxaa lagu yaqaannaa sameynta diyaaradaha adduunka laga aqoonsan yahay ee Bayraktar TB2.

Booqashada Haluk Bayraktar, ayaana dadka falanqeeya arrimahan waxay ku tilmaameen inay muhiim u tahay labada dal oo xiriirkoodu aad u sarreeyo.

Maxaa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay Haluk?

Haluk ayaa qoraalkiisa ku xusay in safaaradda ugu weyn ee Turkiga ay ku taallo Soomaaliya. Waxaa kale oo uu xusay sida uu Turkigu u caawiyay Soomaaliya xilli ay xaalad adag ku jirtay.

“Iyadoo dunidu ay iska indho tirtay xasaradda gaajo ee Soomaaliya sanadkii 2011, Madaxweynaheenna Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqday Soomaaliya wuxuuna beddelay xaaladda dalka.

Maanta, waa suurtogal in la arko in maalgashiga Turkiga iyo deeqdiisa oo taalla meel walba oo Soomaaliya ah. Dekadaha hawada iyo badda waxaa ka howlgala shirkadaha Turkiga iyadoo Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan uu daryeelka caafimaad ee ugu sarreeya ka bixiyo gobolka.”

Haluk iyo walaalkii Selcuk

Diyaaradahan uusan duuliyaha saarneyn ee Bayraktar TB2 oo shirkadda soo saarta ay maamulaan labo nin oo walaalo ah ayaa waxaa dhowaan loo adeegsaday duullaankii Ukraine.

Sidoo kale waxaa loo adeegsaday meelo kale oo adduunka ah.

Waxaa qiimaheeda lagu qiyaasay labo milyan oo doollar, waxayna le’eg tahay diyaarad yar oo leh gantaallada gaashaaman.

Laakiin walaalaha u dhashay dalka Turkiga oo la kala yiraahdo Selcuk iyo Haluk Bayraktar oo soo saaray diyaaradahan ayaa sheegay inaan laga maarmi doonin in dagaalka loo adeegsado.

“Dabcan, dagaalku waa shay aad u qaraar,” ayuu yiri Haluk oo sanadkii hore ku sugnaa xafiiskiisa halkaas oo lagu soo bandhigay boombale ka samaysan diyaaradda TB2 oo ku xardhan midabka hubka Ukraine.

“Dadku way dhimanayaan, waxaanan jeclaan lahaa inaan u baahnayn inaan horumarinno diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan.

“Marka lagugu soo qaado weerar culus, waxaad u baahan tahay inaad naftaada ilaaliso, waxaadna ku samayn kartaa oo kaliya qalabka tignoolajiyada.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.Turkiga

Diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale ka caawiyay dalka Azarbaijan in ay jabiyaan ciidamada gaashaman ee Armenia waxayna dib u qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaalla gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh sanadkii 2020.

Waa markii ay diyaaradahan bilaabeen in ay aqoonsi ballaaran ka helaan meel ka baxsan Turkiga. Shirkaddu waxay xiriir dhow la leedahay ciidamada Turkiga oo ahaa kuwii ugu horreeyay ee iibsada.

Ciidamada ayaa u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ku beegsadaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha iyo dibadda.

Labadan nin ee walaalaha ah waxay xaqiijiyeen inay diyaaradda TB2 siinayaan 24 waddan.

Tani waxay la xiriirtaa aragtida Madaxweyne Erdogan ee ah in Turkiga laga dhigo dal weyn oo laga iibsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bariga Dhexe iyo Afrika iyo sidoo kale Bartamaha Aasiya.

Maxay tahay diyaaradda uusan duuliyaha saarneyn ee Biractar TB 2?Turkiga

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado heerkoodu sarreeyo kana taya wanaagsan kuwa laga soo saaro dalal badan.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Bishii May dalka Poland oo xubin ka ah gaashanbuurta NATO, ayaa heshii ay ku iibsanayaan 24 diyaaradood la galay Turkiga.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in wasiirka gaashaandhigga Poland uu u sheegay idaacadda lagu magacaabo Radio 2 ee dalkiisa in diyaaraduhan ay muujiyeen “kartidooda dagaalka.”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sacuudiga ay sidoo kale muujiyeen inay danaynayaan inay iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here