MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta soo bandhigtay 5 nin oo Alshabaab ka tirsan kuwaasoo ahaa shabakad isku xiran islamarkaana ka tirsan Kooxda Alshabaab.
Shatnaan Alshabaab ayay NISA sheegtay inay siyaabo kala duwan u soo qabteen xili ay ka wada shaqeynayeen howlgalo qaraxyo ah oo ay ka fulin lahaayeen Magaalada Muqdisho balse Sirdoonka qaranku ka war helay kadibna dhamaantood mid mid usoo qabtay.

War ka soo baxay NISA ayaa lagu baahiyay in shabakadaani ay  ku howlanaa falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Sirdoonka Qaranka wuxuu xusay inay kooxdaani lala  soo qabteen hub iyo agabkii qaraxyada ay u adeegsan rabeen kuwaasoo saxaafadana loo soo bandhigay.

XAFIISKA WARARK
DAYNIILE.COM
May be an image of 5 peopleMay be an image of textNo photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here