Muqdisho, Oktoobar, 01, 2024; Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee Hoggaannada iyo Fadhiyada madaxa-banaan ee Ciidanka Booliiska, wuxuuna Wasiirku halkaas ugu Kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi.

Taliyaha ayaa faray Saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
May be an image of 5 people, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 7 peopleMay be an image of 3 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here