Xildhibaan C/raxman C/shukuur Warsame oo ka mida mucaaradka Dowlada  ayaa baraha bulshada ku soo qorey qoraal uu ku sharaxay wax uu ku sheegau musuq maasuq dalka ka jira xiligaan kaasoo sida uu sheegay xariga goostay.

Hadaba Qoraalka Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa sdan u qornaa:-

Advertisement
Musuqmaasuqa dalka ka taagan waa xarga goosad alamtarana soo dhaaf. Siyaasad, ganacsi iyo qoys ayaa isku milmay. Musuqu socdaa waa laba nooc mid seddaxaadna halis ayaa loogu jiraa.
1- Musuqa maamulka: Waa mid awood maamul ku siman oo adeegga dadwaynaha lagu silciyo, ka dibna laaluush looga qaato in loo fududeeyo adeeggii ay xaqa u lahaayeen.
2- Musuqa siyaasadeed: Waa mid awood siyaasadeed lagu fuliyo sida qandaraas, adeeg (service) lacag laga tabco, iyo ganacsi shakhsiyaad loo xiro oo kale. Tani waxay inta badan ku timaadaa in qofka awoodda siyaasadeed leh uu shirka ku yahay faa’iidada ama lagu naasnuujiyo shakhsiyaad qoyskiisa, xigto ah, saaxib ah.
3- Musuq Istaraatiiji: Waa mid ay dhici karto in qayb ka mid ah geyiga jamhuuriyadda ama madaxbannaanida qaranka looga tanaasulo, ama codka dawladda ay kula safanayso dawlado loollamaya la iibiyo. Tusaale, Soomaaliya waxay xubin ka tahay ururro goboleedyo kala duwan, Qaramada Midoobay, waxay sanadka soo socda ka mid noqon doontaa Golaha Amaanka.
Musuqa istiraatiijiga ah weli ma dhicin, laakiin haddii labada kale ee haatan xarga goosadka ah aysan ka hortagin, siyaasiyiinta iyo awoodaha kale ee bulshada rayadka ah, iyo warbaahinta, wax diidaya ma laha in musuq Istiraatiiji ah lugaha lala galo.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here