Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad muhiim ah ka jeediyey Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka socda dalka Turkiga, ayaa ka hadlay doorka muhiimka ah ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Wuxuu ku boorriyay in ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha, amniga, iyo adeegyada bulshada. Sidoo kale, wuxuu xusay in qurbajoogta ay yihiin laf-dhabarka isbeddellada wanaagsan ee Soomaaliya ka socda, isagoo ballanqaaday in Xukuumadda DanQaran ay fududeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga qurbajoogta iyo dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare  Xamse Cabdi Barre wuxuu  soo xiray meertada 10-aad ee Shirka Golaha Qurba-joogta Soomaaliyeed.
No description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here