BURTINLE (DAYNIILE.COM)-Booliiska Magaalada Burtinle ee Maamulka Puntland ayaa la soo sheegayaa inay toogteen nin sida la sheegay burcad ahaa kaasoo gaari ka soo dhacay Magaalada Garoowe.

Xiisad ayaa la soo sheegayaa inay Magaalada ka taagan tahay kadib toogashada Ciidamada amaanka Magaaladaasi markii ninka la sheegay inuu gaariga soo dhacay uu diiday amarka booliiska islamarkaana uu xabad ku bilaabay sidaana ay ku toogteen.

Advertisement

Maleeshiyo ku heyb ah ninka la dilay ayaa isasoo urursaday waxaana laga cabsi qabaa iyaga iyo booliiska inay isku dhacaan sida wararku tilmaamayaan.

Maleeshiya Beeleedka waxay dalbadeen in meydka iyaga lagu soo wareejiyo madaama aan wali la aasin.

Dhanka kale Taliyayaasha Booliiska Gobolka Nugaal iyo Gobolka Mudug ee Puntland ayaa Burtinle u aaday si ay u xaliyaan xiisada ka taagan Magaaladaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here