Duufaan wadata Dabaylo iyo daadaad biya ah ayaa ku dhufatay gobollada South Carolina ee Dalka Mareykanka sida , Florida, Georgia, North Carolina iyo Virginia taasoo sababtay dhimasho aad u badan,bur bur iyo barakac.

Inta la ogyahay tirada dhimashada duufaanta ayaa gaartay ilaa 95 ruux halka dadka dhaawaca ahna ay intaasi ka badan yihiin.

Advertisement

Duufaantii ugu xoogan ayaa ku dhufatay gobolka Florida ,waxay jar jartay duufaantu malaayiin fiilooyinka korontada ah, sidoo kale waxaa la soo sheegaa in qoysas badan ku xayiran yihiin aaga  daadadku ka dhasheen.

Duufaanta oo tan iyo Khamiistii taagan ayaa waddooyin badan waxay isku badaleen biyo-mareenno , kuwaas oo qaar badan ka dhigay inay waayaan baahiyaha aasaasiga ah.

• Ugu yaraan 95 ayaa ku dhintay guud ahaan 6 gobol oo duufaanta iyo daadku saameyn ku yeesheen,waxaana socda gurmadka inkastoo xaaladu u dhawdahay xaalad ay adag tahay in wax laga qabto.

Guud ahaan dadka dhintay ayaa meelo kala duwan laga soo uruurshay, ugu yaraan 36 qof ayaa ku dhintay North Carolina, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka, Ugu yaraan 25 ayaa ku dhintay South Carolina, oo ay ku jiraan laba dab-damis oo ku sugan degmada Saluda, sida ay masuuliyiintu sheegeen, sidoo kale  Georgia, ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay, laba ka mid ah waxay dishay duufaan ka dhacday Alamo, sida uu sheegay afhayeen hadlay,sidoo kale 11 qof ayaa ku dhintay, Gov. ,sidoo kale Laba qof ayaa ku dhintay gobolka Virginia, sida ay saraakiishu sheegeen Axadii, sidoo kale afar dhimasho ah ayaa laga soo sheegay gobolka Tennessee.

Tiro badan oo ka mid ah warbixinnada dadka la la’yahay ayaa la gudbiyay iyadoo ay jirto isgaarsiin go’an.

SOURCE CNN
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

A person looks at storm damage in the aftermath of Hurricane Helene on September 28, 2024 in Asheville, North Carolina.A van sits in floodwaters near the Biltmore Village in Asheville, North Carolina, in the aftermath of Hurricane Helene on September 28, 2024.

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here