QAHIRA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka aan walaalaha nahay ee  Masar Abdul Fattah el-Sisi ayaa hadlay hubkii dhawaan uu siiyay Dowlada Somalia iyo waliba taageerada kale ee ay la garab taagan yihiin Dalkeena.

Abdul Fattah el-Sisi wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray oo beeniyay inay Somalia u taageerayaan Itoobiya darteed madaama iyagu colaad dhanka wabiga ah ay kala dhaxeyso balse wuxuu caaalamka u cadeeyay inuu Somalia u taageerayo madaama ay ka soo kabanayaan burburkii Dowladnimada.

Advertisement

“Soomaaliya kuma taageerno Itoobiya darteed balse waxaan u taageernay waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah hadana way ka soo kabanayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dalka Masar.

Dhanka kale warka Madaxweynaha Masar ayaa ku soo aadaya xili asbuucii hore Dekada Muqdisho uu ka soo degay hub casri ah oo Dowlada Masar siisay Dowlada Somalia kaasoo hadal heyn ka dhaliyay warbaahinta gudaha iyo dibada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here