Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkey ayaa Somalia ugu deeqday oo siisay gar-garaar bini’aadantinimo oo dhan 3,000 oo tan.

Wararka ayaa  tilmaamaya Masuuliyiin Turki ah ay sagootin ugu soo sameeyeen markabka sida raashinkaani magaalada Mersin ee koonfurta dalka Turkiga ka hor inta uusan soo gaarin Muqdisho.

Advertisement

Markabka oo lagu magacaabo GHADA ayaa la sheegay inuu sido 130,000  oo raashin ah,iyo sidoo kale agab loo isticmaalo dhanka nadaafada, sidoo kale  dhar, iyo agabka guryaha.

Gargaarkan Somalia loogu deeqay waxaa iska kaashadeen hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo xaaladaha deg-degga ah ee AFAD oo ka jirta Dalka Turkey iyo  hay’adda bisha cas ee Turkiga.

Xafladda sagootinta gar-gaarkaan waxaa ka hadlay Okay Memis oo ah Madaxweynaha AFAD, Okay Memis wuxuuna sheegay tan iyo 2016-kii, intii uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan xilka hayay in Turkigu Somalia siiyay in ka badan 60,000 oo tan oo gargaar ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here