MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa dhamaaday wareega koowaad ee tartatnka ciyaariha kubada cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degnmada Balcad waxaana iyadoona ay isku soo hareen 8 Degmo.

Madaama guud ahaan ahaayeen 20 Degmo oo Muqdisho ah iyo Degmada Balcad waxaa saas tareenka uga dhacay 13 Degmo oo gobolka Banaadir ka tirsan kuwaasoo ay ku jiraan kuwa aad loogu yaqaanay ciyaaraha kubada cagta walibana laga filaayay inay wareega xiga u soo bixi karaan sida Waaberi,Yaaqshiid,Howlwadaag iyo C/casiis.

Advertisement

Wareega 8 dhamaadka oo la soo gaaray waxaa isku soo haray degmooyinka kala ah Kaaraan, Dharkeenleey,Wada-jir,Warta Nabada,Gubadleey,Balcad ,Daara-salaam iyo Dayniile waxaana la isugu aadiyay sidan:-

May be an image of textHaddaba waxaa aad u adag in la saadaaliyo 4-ta Degmo ee  usoo gudbi kara wareega 4 dhamaadka madaama marka xiligaan la soo gaaro kooxo sidii hore ka sii adkaanayaan walibana weerarku yaraan doono oo Degmo kasta ay u badan doonto dhanka difaaca si aan goola looga dhalin , inta badana kulamada marka ay xiligaan soo gaaraan waxaa lagu kala baxaa rigoorooyin ama hal gool in la isaga adkaado.

XAFIISKA WARARKA
(DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here