MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la dul dhigay dadka Muqdisho ku dhaqan amar ah inay si diiwaan geliyaan.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar ayaa maana saxaafada u sheegay in Duqa Muqdisho uu soo saaray amar dhamaan lagu diiwaan gelinayo qoysaska ku dhaqan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Advertisement

“Dhawaan waxaa la billaabaya diiwaan-galinta dadweynaha si loo helo xog sugan oo la xiriira tirada dadka ku dhaqan Muqdisho ,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Af-hayeen Saalax Xasan Cumar wuxuu tilmaamay in dhamaan qoysaska laga doonayo inay soo diiwaan geliyaan tirada carruurtooda iyo waliba magacyadooda,sidoo kale waxaa laga rabaa qoysaska xogta dadka la nool qoyska.

Af-hayeenka waxaa kale uu carabka ku dhuftay in joogto looga rabo qoysaska waxa ku soo kordha sida caruurta dhaleneysa,dhimashada iyo waliba hadii qoysku ka guuro goobtii lagu ogaa iyo halka uu degay intaba

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No photo description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here