WAXAA QOREY PROF. YAXYE CAAMIR
Inteey ka laagaxan tahay? No. 1

Wax is weeydiinu ma xumee, i fahamsiiya?

Wasiir Axmed Macallim Fiqi, waxaa iigu dambeysay Dalka Jabuti intii uuna Wasiirka noqon. Markii uu wasiirka noqday kadib hal mar ayaan Makhaayda ku taal Xamar isku aragnay. Xiriir gaar ahna nagama dhexeeyo. (F.S:1aad)

Advertisement

Dalka Arimaha Gudaha Daldaloolo aad u badan ayaa ka muuqdo.

Laakin arimaha Dibadda sidii uu wasiirka u noqday Md. Fiqi waxaa la gaaray Guulo badan.

Hadda oo Arimaha Dibaddu ay ku guuleysatay Howlo Dalka dan u ah oo muhim ah, Sida Xiriirka Masar, Ethiopia oo neefta lagu celiyay, Turkiga oo badda loo xil saaray, Golaha Amaanka ee UN oo nalagu daray, xiriirka shiinaha oo sii wanaagsanaaday, Wasiirka oo hadda safar ugu maqan UN iyo Mareeykanka. In laga keeno Mooshin maxaa sababai karo?

1.waxa uu joojiyay Saxiixyada qaar inta uu maqan yahay, si uu uga hortago Musuq baahay. Sida Passport-da Casaanka ee “Service iyo Deplomatic” oo dhowr kun passport si sharci daraa loo bixiyay, Wadamada yurub ayaa diiday Passporadaa, Turkiga ayaa yiri: Passport-da Casaanka ah VISA ku biximeyno, kan Caadigaa ee Dadweynaha ayaan ku bixineynaa. Dalka Mareykanka ayaa isna diidayay Passport-da casaankaa kadib markii sida la sheegay ay Mareykanku qabteen 500 passport oo casaan ah. Sida la ogyahay Dadka isdhiibayo ayaa la siiyaa passport Cas, laguna daraa wafdi, waxaana looga qaataa 20,000 Dollar Qofkiiba, kuwaa oo lacagya laga helayo ay tahay 10,000,000 Dollar, Dadkii Dalka ceebeeyay ee ka ganacsan jiray ayuu ka joojiyay Wasiirku.
2. Haddal heynta ugu badan ayaa ah wasiiru Dowlaha Arimaha dibadda oo Dad badani ay ka cabanayaan, in isagana laga joojiyay Saxiixyada qaar, Ninkaa oo kooxdiisu ay Saameeyn Danleey ah ku leeyihiin Dowladda iyo Golaha Shacabka.
3. Dagaalka lagula jiro Ethiopia oo looga guuleystay Arimaha Dibadda iyo Diblomaasiyada, in Ethiopianku ay dhibsadeen Wasiir Fiqi kadibna ay ku soo jaheeyeen Howl wadeenadoodii Gudaha si loo kala dhantaalo Guulaha uu gaaray Wasiir Fiqi.
4. Dadkii Dhaqaalaha Visaha lagu ceeboobay uu filfiliqu ka soo gaari jiray oo Hindisaha Mooshinka taageeray, weliba iyada oo wasiir Fiqi uu ku maqanyahay shirar caalamiya, si kuwa uu la shirayo ay u yiraahiin, Ninkaan aan Heshiiska la saxiixaneyno Mooshinaa ka yaal, wax is bedeli doonana ma naqaan ee Heshiiska lagu caawinaa Somaliya aan dib u dhigno.
5. Dad aaminsan in Haddii Dowladu ay Xilka ka qaado Wasiir Fiqi uu soo noolaa doono Xisbiga Daljir.
6. Waxaa kale oo Wasiirka ku kacsan Dad Qandaraas lagu wax yeeleynayo Dalka, Dhaqaale uga qaatay Haya’do iyo Dowlado kale

7. Mooshinka waxaa kula daartay Xildhibaano uu taabtay Shiidka magaalada oo leh Jeebkeyga halala Hadlo.

Waxa ay iigu muuqataa in wasiirka Mooshinkiisu uu yahay, ka hor tag Guulaha uu ka gaaray Siyaasadda Arimaha Dibadaa gaar ahaan Culuuska uu saaray Daan daansiga Ethiopia.

Wax is weeydiinu ma xumee, i fahamsii.

La soco Qaybta 2aad ee Qaraaladda
. “Inteey ka laagaxan tahay” .
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir
May be an image of 2 people, aircraft and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here